Galmudug oo Mucaaradka gobolka ka dalbatay inay ka qeybgalaan wadahadalada dowaldda ee Muqdisho

Hoggaamiyaha cusub ee maamulka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay gogosha wada-hadalka siyaasadeed ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u fidiyey dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Liibaan ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kula hadlay mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin mucaarad ah, isaga oo ku boorriyey inay ka qayb-galaan wada-hadalka. Wuxuu ku booriyey dhinacyada siyaasadda ee gobolka inay muhiim tahay inay aqbalaan gogosha wada-tashiga ee loo qorsheeyey 14-ka bishaan November, si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in gogoshu tahay mid Soomaaliyeed oo fursad u ah dhinacyada kala duwan inay ku soo bandhigaan tabashooyinkooda, isla markaana ay ku gaaraan heshiis siyaasadeed.

Gogosha wada-hadalka ayaa timid xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka uu gaaray heer adag. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhammaadkii bishii hore ee Octobar 2026 casuumaad rasmi ah u dirtay ururrada mucaaradka ee Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan wada-hadalka ka dhacaya Muqdisho inta u dhexeysa 14-ka iyo 18-ka November.

Madaxtooyada ayaa sheegtay in ujeeddada gogoshu tahay in si wadajir ah looga wada-hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, iyadoo lagu saleynayo is-afgarad iyo isu-tanaasul.

Si kastaba, illaa hadda ma jiro maamul kale ama dhinac siyaasadeed oo si rasmi ah u shaaciyey inuu aqbalay gogosha, iyadoo waqtiga ka harsan furitaanka wada-hadalku uu kooban yahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed