Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa lagu wadaa inay la wareegi doonan mas’uuliyadda amniga magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii ciidamada Uganda ee halkaas ku sugnaa ay bilaabeen bixitaankooda.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in ciidamo Soomaaliyeed loo diyaariyey inay la wareegaan goobaha ay banneeyaan ciidamada Uganda. Wasaaradda gaashandhigga Soomaaliya oo si rasmi ah u shaacin ayaa si kooban u tiri “ Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa ciidamada faray in ay muujiyaan diyaar-garow buuxa, isla markaana ay si hagar la’aan ah u gutaan waajibaadkooda, si loo ciribtiro maleeshiyaadka Khawaarijta ee khatarta ku ah shacabka iyo dowladnimada Soomaaliyeed”.
Taliyaha Ciidamada Dhulka, Janaraal Sahal Cabdillaahi Cumar (Khaalid), ayaa warbaahinta u sheegay in bixitaanku ku kooban yahay goobo gaar ah, isla markaana aanu ka dhignayn in ciidamada Uganda gebi ahaanba ka baxayaan Soomaaliya. Wuxuu sheegay in ciidamada qaranku hore uga hawlgeli jireen Baraawe, ayna si buuxda ula wareegi doonaan sugidda amniga magaalada.
Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa Baraawe kulamo amni kula yeeshay saraakiisha ciidamada, wakiillada AUSSOM, odayaasha dhaqanka iyo maamulka degmada. Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni, qiimeynta khataraha iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga.
Taliyaha ayaa saraakiisha ka dhegeystay warbixinno ku saabsan howlgalada socda, wuxuuna ku boorriyey ciidamada inay xoojiyaan dadaallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo ilaaliyo shacabka iyo xasilloonida magaalada. Uganda ayaa Soomaaliya ka taageeraysay dagaalka Al-Shabaab ku dhowaad labaatan sano.
HBN ONLINE TV

