Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyey tirakoobka dambiyada iyo dhacdooyinka amni ee sannadkan laga diiwaangeliyey deegaannada maamulkaasi, kuwaas oo isugu jira dilal, kufsi, carruur la tuuray iyo shilal gaadiid.
Warbixinta Booliska ayaa muujinaysa in sannadkan la diiwaangeliyey 82 kiis oo dil ah, kuwaas oo 78 qof oo looga shakisan yahay inay geysteen ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, halka 4 qof oo kale ay weli baxsad ku yihiin.
Sidoo kale, Boolisku wuxuu sheegay in la diiwaangeliyey 254 kiis oo kufsi ah, kuwaas oo ay ciidamadu baritaanno ku sameeyeen. Waxa kale oo warbixinta lagu xusay in sannadkan la diiwaangeliyey 23 carruur ah oo la tuuray, inkasta oo aan faahfaahin dheeraad ah laga bixin goobaha ay dhacdooyinkaas ka dhaceen & xaaladda carruurta.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta Booliska laguma faahfaahin gobollada ay ka dhaceen kiisasku, tirada dadka loo qabtay kiisaska kufsiga iyo natiijooyinka baadhitaannada la xidhiidha dhacdooyinkaas.
Dhanka kale, Booliska Somaliland ayaa sheegay in sannadkan la diiwaangeliyey 5,893 kiis oo la xariira shilal iyo dhacdooyin gaadiid, kuwaas oo ay ku dhinteen 149 qof, halka 4,375 qof ay ku dhaawacmeen.
Tani waxay ku soo aadeysaa iyada oo maanta ay Somaliland xustay maalinta booliska, waxaana munaasabad lagu waynaynayey lagu qabtay magaalada Haregysa.
HBN ONLINE TV

