Soomaaliya oo ka digtay in Xuutiyiinta  hub iyo taageero farsamo siiyaan Al-Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay xiriir la sheegay inuu ka dhexeeyo kooxaha Xuutiyiinta Yemen iyo Al-Shabaab, iyadoo ka digtay in taageero hub iyo farsamo oo ay Ansaarullah siiyaan kooxda Soomaaliya ay kordhin karto awoodda ay ku waxyeelleeyaan shacabka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka TRT Straight Talk ku sheegay in Soomaaliya ay ka walaacsan tahay suurtagalnimada xiriir farsamo oo labada dhinac ka dhexeeya, inkastoo ay ku kala duwan yihiin aragtiyada iyo fikradaha ay aaminsan yihiin.

Balcad wuxuu xusay in Yemen ay muddo dheer ahayd marin ay hub sharci-darro ah uga soo gudbaan Soomaaliya, isaga oo sheegay in hubka ugu badan ee dalka soo gala uu taariikh ahaan ka yimaado Yemen, xitaa ka hor intii aysan Xuutiyiintu awoodda yeelan.

Wuxuu intaas ku daray in taageero farsamo oo ay Xuutiyiintu siiyaan Al-Shabaab ay sare u qaadi karto awoodda kooxda, taas oo khatar ku ah amniga iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

“Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab waa kooxo fikir ahaan kala duwan, laakiin dhinaca farsamada way is taageeraan. Xuutiyiintu waxay leeyihiin awood farsamo oo aysan Al-Shabaab haysan. Taageerada noocan ah awgeed, Al-Shabaab waxay noqon kartaa koox awood badan oo waxyeello u geysata shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Cali Balcad.

Dowladda Soomaaliya, ayuu sheegay, inay si dhow ula socoto xaaladda, maadaama xiriirka taariikhiga ah iyo juqraafiyeed ee Soomaaliya iyo Yemen uu ka dhigan yahay in xaaladaha dalkaasi ay si toos ah u saameyn karaan Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiir Balcad wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi goboleed iyo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xakameynayo faafitaanka colaadaha. Wuxuu sheegay in amniga Soomaaliya uu si dhow ula xiriiro xaaladaha ka jira Yemen iyo guud ahaan Bariga Dhexe.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya iyo dalalka ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay tahay inay hormuud ka noqdaan sugidda amniga marin-biyoodka, kadib markii uu ka digay in joogitaanka ciidamada shisheeye uu kordhin karo loollanka, cabsida iyo xasillooni-darrada gobolka.

Dhinacyada leh awoodda ayuu booriyey inay la yimaadaan hannaan amni oo dammaanad qaada isu-socodka nabdoon ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyadoo dalalka gobolka ay qaanayaan masuuliyadda koowaad.

Wasiirka oo wax laga weydiiyey arrimaha Itoobiya ayaa sheegay in heshiiska labada dal ee Ankara uu dhigayo in dhinacyadu ay ixtiraamaan madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee midba midka kale. Wuxuu xusay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay wadahadallo farsamo ka yeelanayaan sidii Itoobiya u heli lahayd marinno dekadeed oo la isku halayn karo. Soomaaliya waxay rajaynaysaa in wadahadalladu horseedi doonaan deked ganacsi oo Itoobiya isticmaasho, iyadoo ilaalinaysa madaxbannaanida Soomaaliya.

Ugu dambayn, Cali Balcad ayaa ka digay in xasillooni-darrada Itoobiya ay saamayn ku yeelan karto ciidamadeeda ee ku sugan Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, lagana saari karo dalka, haddii ay xaaladdu sii adkaato gudaha dalkaasi ka jirta──Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xasilloonida Itoobiya ay dan qaran u tahay labada dal.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed