Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen madaxda maamulka cusub.
Waxaa lagu wadaa madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka qaybgalo munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee Galmudug, taas oo ay goobjoog ka noqonayaan madaxda Dowladda Federaalka, hoggaamiyeyaasha qaar dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale oo ka kala timid gudaha dalka iyo dalalka gobolka.
Waxaa la filayaa in khudbad uu jeediyo Madaxweyne Xasan Sheekh, taasi oo kaga hadli doono arrimaha doorashooyinka, khilaafaadka kala dhexeeya mucaaradka iyo xaaladda amni ee dalka.
Galmudug ayaa noqonaysa maamulkii labaad ee lagu soo dhiso doorashada qof iyo cod, taas oo ay si weyn uga soo horjeedaan siyaasiyiinta mucaaradka, iyagoo ku tilmaamaya mid ka hor imaanaysa heshiiska federaalka.
Seddexda meel uu ka hirgalay qorshaha Dowladda ayaa kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, inkasta oo ay jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo hubeysan oo ka dhashay hannaanka doorashadan.
Hbn Online Tv

