Soomaalida oo wacdarro ka dhigtay siyaasadda Mareykanka, kuna guuleystay kuraas muhiim ah

Inkasta oo ay wajahayan culeysyo siyaasadeed iyo faquuq ka dhan ah, hadane Soomaalida ku nool Mareykanka ayaa guulo siyaasadeed ka gaaray doorashooyinkii shalay 3-dii Nofeembar 2026 dalkaasi looga dareeray, kaddib markii dhowr siyaasi oo asal ahaan Soomaali ah ay ku guuleysteen kuraas ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka gobolka Minnesota.

Aqalka Sare waxaa dib loogu doortay Cumar Fatax oo helay 97.30% codadka, halka Saynab Maxamed ay ku guuleysatay kursiga degmada 63-aad.

Aqalka Wakiillada Minnesota waxaa ku guuleystay Maxamuud Nuur, Samakaab Huseen, Anquam Maxamuud iyo Cabdi Daysane oo helay 62.52% codadka degmada 14A.

Dhanka Baarlamaanka Federaalka Mareykanka, Ilhaan Cumar ayaa markii 5-aad ku guuleysatay kursiga degmada 5-aad ee Minnesota, iyadoo ka adkaatay musharraxa Jamhuuriga John Nagel.

Guulahan ayaa muujinaya kororka ka-qaybgalka iyo saamaynta bulshada Soomaaliyeed ee siyaasadda Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo si weyn hadalo naceyb ah horey u weeraray intii ay socdeen ololaha doorashada ayaa qiray in qiimaha shidaalka oo sare u kacay uu door ka ciyaaray guuldarrooyinka xisbiga Jamhuuriga ka soo gaaray doorashooyinkii dhexe.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed