Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inay jiraan Dowladda shisheeye oo Mucaaradka taagero ku siigaan burburinta dalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowlado shisheeye ay maalgelin ku bixiyaan sidii Soomaaliya loo dumin lahaa, iyagoo adeegsanaya siyaasiyiin Soomaaliyeed oo uu ku eedeeyey inay dibadda ka raadsanayaan taageero iyo hub.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay munaasabada caleemo saarka hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa siyaasiyiinta oo uusan magacooda xusin uga digay inay dalka u horseedaan sida uu yiri burbur iyo kala qeybsanaan, isagoo tilmaamay in kuwii hore ee tallaabooyinkaas qaaday ay ku dambeyeen bahdil iyo dulli.

“Siyaasiyiinta u sii hanqal taagaya dibadda, ee dibadda hanalagu shirar leh ee dhahay hub ha la isiiyo anaa soo kala tuurayee, safarkiinu fiican kuma soo dhamaanayo. Safarkiinu safar cusub oo curato ah oo hadda aad bilaabaysaan ma ahane hortiinaa rag soo bilaabay.Xagee ku dambeeyen? Mid walba isaga oo bahdilan oo dullaysan oo karaamadiisa dhuntay, dad laayey ayaa uu markii dambe jidka ku soo dhacay, yaa ku soo riday? Kuwii ajnabiga ahaa ee uu cararay. Kaalay gurigaaga ila dumi, walaalkaana ila dil, dalkaagane ila kala qeyb-qeybi xaajo loo xiiso ma aha” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay dhageysiga aragtiyada siyaasadeed ee kala duwan, isla markaana wada-tashi iyo is-faham ay muhiim u yihiin horumarka dalka. Wuxuu caddeeyey in aan laga tanaasuli karin xaqa shacabka Soomaaliyeed u leeyihiin inay doortaan hoggaankooda, xilli mucaaradku ka soo horjeedo hannaanka doorashooyinka qof iyo cod.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay, isagoo sheegay inay muujinayaan horumarka dimuqraadiyeynta.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay amniga, dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo qorshaha dowladda ee hirgelinta doorashooyin toos ah, isagoo dhinacyada siyaasadda ugu baaqay inay taageeraan geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed