Siyaasiyiinta mucaaradka Muqsdisho ayaa taageero u muujiyey Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, Baashe Yuusuf Axmed, iyagoo ka horyimid xil ka qaadistii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sameeyey, isla markaana taageeray qodobbada uu kaga hadlay doorashooyinka iyo dastuurka dalka.
Mucaaradka ayaa sheegay in waa sida hadalka ay u dhigeene tallaabada Madaxweynaha ay dhaawacayso madaxbannaanida garsoorka, iyagoo taageeray go’aannada Maxkamadda Sare ee la xiriira muddo-xileedyada hay’adaha dowladda iyo hannaanka doorashooyinka.
Madaxweyne hore Sheekh Shariif Axmed ayaa xil ka qaadista ku sifeeyay sida uu yiri mid “baadil ah” oo ku salaysan wax uu ugu yeeray “rabitaan shaqsi”, halka dhinacyada kale ay cambareeyeen talaabooyinka ka dhanka ah garsoorka ee faragelinta Dowladda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay xilka ka qaadya Baashe Yuusuf isagoo ku sababeeyey dib-u-habayn lagu sameynayo hay’adaha garsoorka, isla markaana cabashooyin ka yimaadeen garsooreyaasha iyo hawl-wadeennada garsoorka. Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Dhanka kale, Baashe Yuusuf ayaa sheegay in xil ka qaadistiisa ku sifeeyay mid sharci-darro ah, isagoo xusay in uusan jirin qodob dastuuri ah oo awood u siinaya sida uu hadalka u dhiagy Madaxweynaha inuu xilka ka qaado Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay inuu ilaaliyo dastuurka, madaxbannaanida garsoorka iyo sarraynta sharciga.
Baashe Yuusuf wuxuu xilkan haayey muddo 8 sano, 5 bilood iyo 8 maalmood, taasi oo ka soo bilaabanaysa 27 May 2018-kii. Waxaa xilkan oo markaasi laga qaaday gudodomiye Iidle u magacaabay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
HBN ONLINE TV

