Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Maamulka Hirshabeelle uu digniin u diray gaadiidleyda iyo shirkadaha diyaaradaha ka howlgala gobolka.
Xiisadda ayaa timid xilli dhinacyada isku hayaan maamulka gobolka, ayna is-weydaarsanayaan awaamiir iyo digniino, kadib markii maamulkii hore uu dalbaday in xubnaha Hirshabeelle ee gobolka ku sugan ay isaga baxaan 24-saac.
Xiisadda ayaa dib u soo laba kacleysay Jimcihii, kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Macawisleyda gobolka oo wata gaadiidka dagaalka ay si aan dagaal lahayn ula wareegeen qaybo ka mid ah xerada Lama-galay. Maxamed Xuseen Maxamed (Carab) oo ah Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in talaabo ay qaadi doonaan talaabooyin, haddii xubnaha maamulka Hirshabeelle ee magaalada jooga ay aysan 24 u bixin.
Dhanka kale, guddoomiyaha cusub ee Hirshabeelle u magacawday gobolka, Muuse Salaad Weheliye, ayaa sheegay in uusan magaalada ka baxayn, isagoo ku adkaystay inuu yahay guddoomiyaha gobolka. Waxa uu sidoo kale sheegay in khilaafka lagu xallin doono wada-hadallo ay hoggaaminayaan odayaasha dhaqanka, isla markaana uusan jirin qorshe gacan ka hadal ah.
Iyadoo xiisaddu taagan tahay, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Hirshabeelle ayaa shirkadaha diyaaradaha iyo gaadiidleyda uga digtay inay qaataan amarro aan wasaaradda ka soo bixin.
Sidoo kale, shirkadaha diyaaradaha ayaa loogu baaqay in aysan ku milmin khilaafka siyaasadeed ee gobolka, iyadoo wasaaraddu sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa awaamiirteeda.
Khilaafka ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay arrimaha gaadiidka iyo canshuuraha, kadib markii Maxamed Xuseen Maxamed uu shirkadaha diyaaradaha ku amray in aysan qaadin masuuliyiinta Hirshabeelle. Dhanka kale, Maxamed Carab ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay kastankii canshuuraha ee degmada Matabaan, lana wareejiyay deegaanka Ceelgaal oo laga hirgeliyay kastan cusub.
HBN ONLINE TV

