Dowladda Suudaan ayaa Maamulka Puntland ee Soomaaliya ku eedeysay inuu qayb ka yahay sida hadalka ay u dhigtay colaadda ka taagan dalkeeda, isaga oo taageero siinaya kooxda Gurmadka Degdegga ah ee RSF oo la sheegay inay xiriir dhow la leedahay Imaaraadka Carabta.
Jeneraal Yaasir Al-Cataa, ku xigeenka taliyaha guud ee ciidamada Suudaan, ayaa eedeyntan jeediyay isaga oo la hadlayay qaar ka mid ah ciidamada dalkiisa──wuxuuna ugu baaqay inay ka hortagaan faragelinta shisheeye ee uu sheegay inay sii hurinayso colaadda dalkiisa.
Inta uu hadal jeedintan ku jiray Jeneraal Yaasir ayaa sheegay in dhacdooyinka dhiigga badan ku daatay ee ka dhacay Daarfuur iyo Kordofaan lagula xisaabtami doono dhinacyada shisheeye ee ku lugta leh, isaga oo si gaar ah u xusay Puntland.
Waxa uu sidoo kale sheegay in garoonka diyaaradaha Boosaaso ee gobolka Bari ee Soomaaliya loo adeegsaday marin fududeeyay duullaanka ah sida uu hadalka u dhigay.
Eedeymahan ayaa ku soo aadaya iyadoo warbixin la sheegay inay Qaramada Midoobay soo saartay bishii Sebtembar ee sanadakn 2026 ay xustay in hub ka yimid Imaaraadka la mariyay Boosaaso iyo Berbera.
Puntland ayaa xiriir wanaagsan la leh Imaaraadka, kaas oo lagu eedeeyo inuu taageero milatari iyo mid dhaqaale siiyo kooxda RSF oo tan iyo Apriil 2023-kii dagaal dhiig badan ku daatay kula jirta ciidamada Dowladda Suudaan.
Ma jirto wax jawaab ah oo illaa iyo hadda ka soo baxday dhanka Puntland oo la xiriirta eedeymaha ka yimid dhanka Suudaan.
HBN ONLINE TV

