Waxaa maanta gaaray degmada Ceegaag ee gobolka Togdheer Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), oo uu hoggaaminayo Taliyaha Qaybta 26-aad, Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Cawad Baal-cadde, iyada oo ay wehliyeen masuuliyiin ciidan oo ka tirsan maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Sida ay tabisay warbaahinta gobolka, Saraakiisha waxaa halkaas ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka iyo ciidanka Daraawiishta Waqooyi Bari.
Taliyaha Qaybta 26-aad ee CXD ayaa sheegay in booqashadoodu Togdheer ay la xiriirto dib-u-dhiska iyo dib-u-yagleelidda Ciidanka Xoogga ee deegaannadaas, isagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda midnimada, wadajirka iyo difaaca dalka.
“Wakhti dheer baa xoogga dalku ka maqnaa deegaannadaan. Waxaan nasiib u yeelanay inagu maanta inaan qeyb ka ahaano dib u yagleelidii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, qeybtiisa 26-aad ee maamulka Waqooyi Bari. Waxaan rabnaa oo aan ka shaqeynaynaa waa midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waa waajib qof walba oo Soomaali ah saaran” ayuu yiri Baal-cadde.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay shacabka in ciidamada Xoogga kala shaqeeyaan ilaalinta qarannimada iyo danaha dalka, kadib markii uu tilmaamay inay jiraan cadow badan oo dalka burburkiisa ka shaqeynaya.
Maamulka Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo hadda martigaliya taliska ciidanka xoogga qeybtiisa 26-aad ayaa dowaldda Soomaaliya kala shaqeynaya sidii ay markale dowaldda fursad ugu heli lahayd dib u dhiska ciidamada xoogga dalka oo ka howlgala gobollada maamulkaasi uu xukumo.
HBN ONLINE TV

