Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay magaalada Hargeysa danjiraha Israa’iil u soo magacowday Somaliland, Michael Lotem.
Lotem, ayaa bartamihii bishii April ee sanadkan Israa’iil u soo magacawday safiirkeedi ugu horreeyay ee Somaliland, iyada oo isla 26-kii bishaas ay golahooda Wasiirrada ay ansixiyeen.
Qoraal la soo dhigay barta Facebook ee madaxtooyadda Somaliland maanta ayaa lagu tilmamay “Tallaabadan mid astaan u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo hirgelinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhinac”.
Waxaa intaas la sii raaaciyey in “Madaxweynuhu uu carrabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay dhismaha xidhiidh ku salaysan is-ixtiraam, dano-wadaag iyo iskaashi waara, kaas oo horseeda horumar la taaban karo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, amniga iyo tiknoolajiyadda.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir ma-degane ah oo qaabilsan Somaliland, sida lagu sheegay qoraal horrey uga soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil.
Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa horrey si adag ugu hortimid tallaabada Israa’iil ay Somaliland ugu magacowday danjire.
Weli Dowladda Soomaaliya kama hadlin arrintan oo ay si weyn kaga soo horjeedo, iyada oo horay u tilmaantay in uu dhaawac ku yahay xiriirka Somaliland ee Israa’iil──jiritaanka, midnimada, iyo qaranimada Soomaaliya, ayna ilaalin doonto madaxbannaanida iyo danaha dalka.
Horay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u sheegay in Soomaaliya aysan “xaalad kasta” ku aqbali doonin joogitaanka Israa’iil gudaha dalka, isagoo carrababaay in Israa’iil ay qorshaynayso saldhig badeed oo Berbera laga sameeyo iyo isticmaalka garoonka diyaaradaha magaalada. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in qorshahaasi uu Israa’iil ugu dhowaanayo dalalka Khaliijka iyo Iiraan, isla markaana Soomaaliya ay ka hortagayso waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa tallaabooyinka Israa’iil.
HBN ONLINE TV

