Diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed ee doorashooyinka 2027 oo maanta Soomaaliya ka bilaabatay

Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo ku dhawaaqay in 1-da Nofeembar 2026 oo maanta ah la furayo diiwaangelinta axsaabta siyaasadeed ee doonaya inay ka qaybgalaan doorashooyinka federaalka ee la qorsheeyay sannadka 2027-ka ayaa sheegay in diiwaangelintu ay gaari doonto ilaa 22-ka isla bishaan, iyada oo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay ka faa’iidaystaan muddada loo qabtay.

Sida ku cad jadwalka guddiga, doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ayaa la qorsheeyay inay dhacaan 15-ka Abriil 2027, halka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya loo asteeyay 15-ka May ee isla sannadkaas. Doorashooyinkan ayaa la qorsheynayaa in lagu qabto nidaamka qof iyo cod.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in liisaska musharraxiinta baarlamaanka la soo gudbiyo ugu dambayn 22-ka Nofeembar 2026, halka ololaha doorashada la qorsheeyay inuu bilowdo 27-ka Febraayo 2027, si loo sii ambaqaado diyaar-garowga doorashooyinka.

Dhanka kale, mucaaradka Soomaaliya ayaa weli ka soo horjeeda hannaanka doorasho ee guddigu wado, iyagoo ku adkeysanaya in marka hore heshiis laga gaaro arrimaha doorashada iyo wax-ka-beddelka dastuurka, ka hor inta aan la bilaabin tallaabooyinka la xiriira doorashooyinka soo socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed