Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay howlgalkii siyaasadeed ee ay ka wadday Soomaaliya, iyadoo la soo afjaray in ka badan 30 sano oo isugu jirtay taageero siyaasadeed, nabadeyn iyo dowlad-dhis ah oo ay hay’addu dalka ka wadday.
Howlgalka Kaalmada Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay (QM) ee Soomaaliya UNTMIS ayaa shaqada joojiyey kadib markii uu dhammaaday muddadii kala-guurka ee labada sano ahayd, taas oo ay codsatay dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
Wuxuu ahaa marxaladdii ugu dambeysay ee taageerada siyaasadeed ee QM oo soo bilaabatay sannadkii 1995-kii markii la aasaasay Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNPOS), waxaana xigay UNSOM oo shaqadiisa bilaabay 2013-kii, ka hor inta aan dib-u-habayn lagu samayn sannadkii 2024-kii──loona beddelin UNTMIS.
Mudadaasi intii lagu jiray, mas’uuliyadihii howlgalka ayaa si tartiib-tartiib ah loogu wareejiyey hay’adaha dowladda Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).
Xiritaanka wuxuu imanayaa kadib sannado uu jiray khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyey dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, iyadoo marar badan hay’adda lagu eedeeyey faragelin ay ku samayso arrimaha gudaha dalka.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sannadkii 2024 si rasmi ah u codsatay in howlgalka la soo afjaro. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa munaasabad sagootin ah oo Muqdisho ka dhacday ku tilmaamay xiritaanka howlgalka maalin guul ah, isagoo sheegay in dalku ka gudbayo xilligii kala-guurka.
Madaxa UNTMIS, Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in xiritaanka howlgalku uusan ka dhignayn dhammaadka xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, balse uu yahay bilowga marxalad cusub.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa isaguna soo dhoweeyey horumarka Soomaaliya, hase yeeshee ku baaqay in taageerada caalamiga ah la sii wado.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli dalka uu wajahayo khilaafaad siyaasadeed, muran ku saabsan wax-ka-beddelka dastuurka iyo dagaalka Al-Shabaab, iyadoo aan weli la helin cid si rasmi ah ula wareegta doorkii dhexdhexaadinta siyaasadeed ee UNTMIS.
Dhanka kale, hay’adaha gargaarka iyo horumarinta ee Qaramada Midoobay ayaa weli Soomaaliya ka howlgala, inkastoo ay jiraan dhaqaale yari iyo dhimista deeqaha caalamiga ah. Hay’adda UNICEF ayaa bishii Agoosto ee sanadkan sheegtay in 205 xarumood oo caafimaad iyo nafaqo ay shaqada joojiyeen sababo la xiriira dhaqaale la’aan.
Sidoo kale, ciidamada Midowga Afrika ayaa weli taageera ciidamada Soomaaliya ee dagaalka adag kula jira koxda Al-Shabaab, balse taageerada saadka, shidaalka, caafimaadka iyo gaadiidka waxaa bixiya UNSOS, kaas oo qorshe uu Mareykanku taageerayo uu dhigayo in la xiro bisha Diseembar sanadka dambe ee 2027-ka.
HBN ONLINE TV

