Wararkii u dambeeyay magaalada Beledweyne oo xarumihii maamulka lala wareegay

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in tan iyo xalay xiisad colaadeed ay ka taagnayd magaalada iyadoo dagaalamayaal ka tirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawisleyda oo wata gaadiidka dagaalka ay saaka si dagaal la’aan ah la wareegeen qaybo ka mid ah xerada Lama-galay.

Xooggagan oo ay horkacayaan siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa fariisimo ka sameystay gudaha xerada, gaar ahaan xarumaha maamulka gobolka Hiiraan, iyagoo sidoo kale la wareegay afaafka hore ee buundada Liiqliqato, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah oo HBN Online TV la hadly.

Xerada Lama-galay ayaa ka kooban laba qaybood oo kala ah xarunta maamulka gobolka Hiiraan iyo saldhigga ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Qaybta xarunta ee maamulka waxaa hadda deggan Maxamed Xuseen Maxamed oo maamulka HirShabeelle dhawaan sheegay inuu xilka ka qaaday, balse go’aankaasi ka soo horjeestay, isla makraana diidday inuu u hoggaansamp.

Qaybta kale ee xerada oo ah saldhigga ciidamada milatariga ayaa waxaa ku sugan guddoomiyaha cusub ee maamulka HirShabeelle dhowaan u magacaabay gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Weheliye.

Ciidamadii militart-ga Soomaaliya ee ee ku sugnaa afaafka hore ee xerada ayaa wararku sheegayaan inay ka baxeen goobihii ay ku sugnaayeen ayna u baneeyeen xooggaga Macawisleyda, iyadoo wax dagaal ah uusan dhicin, waxaana sidoo kale ciidamada deegaanka ayaa fariisimo ka sameystay bannaanka garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo qaybo kale oo magaalada Beledweyne ka mid ah.
Warka ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqan ciidan iyo xiisadan ay ka dambeysay ka dib markii Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee HirShabelle Cabdifataax Xasan Afrax uu sheegay inuu tagayo magaalada Beledweyne.

Qaar ka mid ah saraakiisha & odayaasha dhaqanka ee horkacaya ciidamada Macawisleyda ayaa sheegay in ciidankoodu aysan dagaal kula jirin ciidanka xoogga dalka, balse qorshahoodu yahay inay la wareegeen xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in magaalada ay soo buux dhaafiyeen ciidamo badan oo Macawisley ah kuwaasi oo ka soo horjeeda maamulka HirShabelle.

Maalmo ka hor siyaasiyiin deegaanka ka soo jeeda oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in gobolka Hiiraan ka sameeyaan maamul ka madaxbannaan HirShabelle iyo dawlada federaalka Soomaaliya, lama oga qaabka maamulka HirShabeelle iyo dowladda federaalku uga falcelin doonaan dhaqdhaqaaqa ciidamada deegaanka ee la wareegeen xarumihii maamulka ee gobolka & degmada Beledweyne.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed