Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Barkhad Jaamac Batuun, ayaa si adag u cambaareeyey rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Boorama ee lagu beegsaday dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool magaaladaas. Wuxuu dhacdooyinkaasi ku tilmaamay kuwo fool xun oo dhaawacaya sharafta, sumcadda, xasilloonida iyo nabadgelyada Somaliland.
Batuun ayaa sheegay in falalkaasi ay xadgudub ku yihiin xuquuqda aadanaha, isla markaana aysan xukuumaddu raalli ka ahayn in shakhsiyaad ay sharciga gacantooda ku qaataan.
Wuxuu xusay in Somaliland ay masuul ka tahay ilaalinta ammaanka, karaamada iyo xuquuqda dhammaan dadka ajaanibta ah ee ku sugan gudaha deegaanadeeda.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay astaan u tahay nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana aysan marnaba oggolaan doonin in qof ajaanib ah la dhibaateeyo, hantidiisa la burburiyo ama xuquuqdiisa lagu xadgudbo. Wuxuu dhacdooyinka Boorama ku tilmaamay fal abaabulan oo lagu dhaawacayo sumcadda Somaliland.
“Waxaan si adag u cambaareynaynaa falka foosha-xun ee dad wax-ma-garato ah oo sumcad dilaya sharaf, Sumcadda, Xasiloonida, Nabad-gelyada & wada noolaanshaha bulshada Somaliland iyo dad ajaanibka ah ay ka sameeyeen magaalada Boorama ee gobolka Awdal. Falkaasi wuxuu xad-gudub ku yahay xuquuqda aadamaha. Raali xukuumad ahaan kama nihin” ayuu yiri wasiir Barkhad.
Ugu dambayn, Barkhad Batuun ayaa caddeeyey in xukuumaddu aysan u dulqaadan doonin falalka noocaas ah, isagoo sheegay in laamaha ammaanku ay qaadi doonaan tallaabooyin sharciga waafaqsan, isla markaana baaritaan lagu samayn doono dhacdooyinkii ka dhacay magaalada Boorama.
Xasuusin: Magaalada Boorama waxaa khamiista todobaadkii hore ka dhacay falal rabshada watay oo lagu beegsaday dad rayid ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada Itoobiya, kuwaa oo bilaabay inay ka baxaan magaalooyinka Soomaalida, kaddib markii sida la sheegay la gubay guryo cooshado ka sameysnaa oo ay deganayeen dadkaasi.
HBN ONLINE TV

