Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay Faysal Yuusuf Macallin Cabdulle, oo loo yaqaannay Cabdikariin Horseed ama Gaagaale, kaas oo ay ku tilmaantay mas’uul sare oo ka tirsanaa shabakadda maaliyadeed ee Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay NISA soo saartay ayay ku sheegtay in howlgalka, oo dhacay 23-kii bishaan October, ay fuliyeen ciidanka sirdoonka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Faysal Yuusuf ayaa hore u soo noqday madaxa guud ee maaliyadda kooxda, wuxuuna xilligan ka mid ahaa xubnaha sida dhow ula shaqeeya hoggaanka sare ee Al-Shabaab.
NISA waxay sheegtay in Faysal uu kooxda ku biiray sannadkii 2007, xilli uu ka shaqeynayay dukaan ku yaallay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho. Intii u dhexeysay 2007 iyo 2011, ayay hay’addu sheegtay inuu maamulayay waaxda maaliyadda kooxda ee gobolka Banaadir, gaar ahaan lacagaha dowladdu ugu yeerto baadda ee laga qaado shacabka.
Waxay intaas ku daray in Faysal uu intii u dhexeysay 2011 iyo 2014 ahaa madaxa guud ee xisaabaadka kooxda, ka hor inta uusan sannadkii 2014 la wareegin xilka madaxa guud ee maaliyadda, kaas oo uu hayay ilaa 2024.
Sida ay NISA sheegtay, Faysal ayaa xilka maaliyadda ku wareejiyay Cabdullaahi Xasan Cabdi Cosoble, oo loo yaqaannay Cabdullaahi Wadaad. Hay’addu waxay sheegtay in Cabdullaahi Wadaad lagu dilay howlgal ka dhacay isla deegaanka Kuunyo Barrow 23-kii Janaayo ee sanadkan 2026 oo ah bisha 1-aad.
Dilka labada xubnood ee isku xigay hoggaanka maaliyadda kooxda ayaa, sida ay NISA ku tilmaantay, dhabar-jab ku ah hoggaanka iyo shabakadaha dhaqaale ee Al-Shabaab.
Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada lagu beegsanayo madaxda sare ee kooxda iyo shabakadaha dhaqaale ee maalgelinta u sameeya weerarrada ay ku tilmaantay kuwa ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

