Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal khasaare culus geystay oo gelinkii dambe ee Isniintii ka dhacay deegaanka Qardho, oo u dhexeeya degmada Buurhakaba iyo deegaanka Jameeco ee gobolka Baay, halkaas oo dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Weerarka ayaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan Guutada 64-aad ee Brigade-ka 1-aad, Qaybta 12-ka Abriil ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku sii jeeday degmada Buurhakaba, kaddib markii ay ka soo ambabaxeen deegaanka Jameeco.
Ilo wareedyo dhinaca amniga ah iyo xog laga helay xarumo caafimaad ayaa sheegaya in tobannaan askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay dagaalka. Wararka qaar ayaa tirada dhimashada ku sheegay ilaa 70 askari, inkastoo aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin khasaaraha dhabta ah.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-Shabaab ay markii hore miinooyin ku aaseen waddada ay marayeen ciidamada, kaddibna ay ku weerareen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Waxaa sidoo kale soo baxay warar sheegaya in weerarka loo adeegsaday ugu yaraan 20 diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn ee is-qarxiya ah, balse sheegashadaasi weli ma helin xaqiijin madax-bannaan.
Qaar ka mid ah askarta ku dhaawacantay dagaalka iyo kuwa ka badbaaday ayaa sheegay in qaraxyo isdaba joog ah ay ku soo dhacayeen goobihii ay ku dagaallamayeen, hase yeeshee ma aysan kala caddeyn in qaraxyadaasi ka imanayeen madaafiic hoobiyeyaal ah ama diyaaradaha drones-ka.
Ilo wareedyo dhinaca amniga ah ayaa sheegay in ugu yaraan afar gaari oo kuwa ciidamada dowladda ah lagu qabsaday dagaalka, kuwaas oo ay ku jireen laba gaari oo gaashaaman oo nooca Kirpi ee Turkigu sameeyo ah iyo gaadiidka dagaalka ee qoryaha lagu rakibo, oo loo yaqaan Cabdi Bile.
Sidoo kale, ugu yaraan shan gaari oo kale iyo hal ambalaas ayaa la sheegay in lagu gubay dagaalka.
Dad ku sugan degmada Buurhakaba ayaa sheegay in gaadiidkii ay Al-Shabaab dagaalka ku qabsadeen, oo subaxnimadii Talaadada la isku dayay in lala galo magaalada, lagu beegsaday duqeyn ka dhacday duleedka degmada.
Ilo wareedyada ayaa sheegay in gaadiidkaasi la burburiyay, isla markaana ku dhowaad 20 dagaalyahan oo saarnaa ay ku dhinteen duqeynta.
Dadka xogta bixiyay ayaa codsaday inaan magacyadooda la shaacin sababo la xiriira xaaladda amni ee deegaanka.
Si madax-bannaan looma xaqiijin tirada dadka ku dhintay duqeynta iyo cidda fulisay.
Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada dowladda ay dagaalkii ka dhacay aagga Jameeco ee degmada Buurhakaba ku dileen ku dhowaad 75 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 56 kalena ay ku dhaawaceen.
Wasaaradda ayaa xaqiijisay in dagaalyahannada Al-Shabaab ay ciidamada ku weerareen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, taas oo sababtay inay waxyeello soo gaarto gaadiid milatari.
Hase yeeshee, warsaxaafadeedka Wasaaradda Gaashaandhigga laguma sheegin tirada askarta dowladda ee ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaalka.
Tirada khasaaraha ee labada dhinac sheegayaan weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dhanka kale, Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa si adag u beeniyay warar sheegayay in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkiga ama diyaaradaha drones-ka ee hubeysan ay si khalad ah u duqeeyeen fariisimo ay ciidamada xoogga dalka ku lahaayeen deegaanka Leego, 26-kii Oktoobar 2026.
Qoraal uu xafiisku ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn, isagoo caddeeyay inaysan jirin mar ay diyaaradaha Turkigu si khalad ah u beegsadeen ciidamada Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale sheegtay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu weli xooggan yahay, isla markaana uu diiradda saarayo la dagaallanka argagixisada, xoojinta amniga qaranka iyo soo celinta nabad waarta.
Waxay ugu baaqday warbaahinta iyo dadka isticmaala baraha bulshada inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la xaqiijin.
Dagaalka Qardho ayaa ka mid ah isku dhacyada khasaaraha culus laga soo sheegayo ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, iyadoo weli ay jiraan warar iska soo horjeeda oo ku saabsan tirada dhimashada, gaadiidka lagu waayay dagaalka iyo duqeymaha dhacay.
Ilo wareedyo milatari, shaqaalaha caafimaadka, goobjoogayaal, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Xafiiska Amniga Qaranka.
HBN ONLINE TV

