Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka digay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isaga oo ku baaqay in dhinacyada dalka ay shir degdeg ah isugu yimaadaan si loo badbaadiyo sida uu hadalka u dhiagy dowladnimada Soomaaliyeed.
Deni oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 59-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu diiday sida uu ku dooday doorasho heshiis lagu yahay, isla markaana uu carqaladeynayo wada-hadallada doorashooyinka.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay hannaan ay dhinacyada siyaasadeed ku gaaraan heshiis ku saabsan doorashooyinka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.
Hadalka Deni ayaa imaanay, iyada oo Dowladda Federaalka ay sheegtay in doorashada madaxweynaha la qabanayo 15-ka May 2027, halka doorashooyinka labada aqal loo qorsheeyay 15-ka April. Weli lama oga in baaqa Deni uu horseedi doono kulan lagu xalliyo khilaafka taagan.
HBN ONLINE TV

