Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta furay kalfadhiga 59-aad ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa khudbad uu ka jeediyey kaga hadlay xaaladaha amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee maamulkaasi───Waxaa kale oo uu ka hadlay amniga Garoowe, hub uruurinta, sicir-bararka iyo xiisadaha ka taagan Badda Cas.
Deni oo marka hore dhaliil u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qorshaha doorashada dadweynaha ayaa sheegay in qaabka doorashadaasi aanu dhinacooda ka ahayn sida uu ku dooday mid la aqbali karo. Wuxuu intaas ku daray in caqabadaha hortaagan dowlad-dhiska Soomaaliya ay niyad-jab ku abuureen qayb ka mid ah shacabka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uusan qaadan doonin go’aanno aan ku habboonayn shacabka iyo mas’uuliyiinta Puntland, isagoo ku baaqay in la qabto kulan ballaaran oo ay isugu yimaadaan mas’uuliyiinta, siyaasiyiinta iyo bulshada si looga wada tashado xaaladaha taagan.
Dhanka amniga, Saciid Deni ayaa bogaadiyay ciidamadooda Badda ee PMPF, wuxuuna sheegay inay howlgallo badeed iyo kuwo xeebeed ku soo afjareen falal burcad-badeednimo, isla markaana ay soo furteen maraakiib ay gacanta ku hayeen kooxaha burcad-badeedda. Wuxuu adkeeyay in Puntland ay ka hortagayso in deegaannadeeda laga abaabulo falal burcad-badeednimo.
HBN ONLINE TV

