Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhanka Puntland Cabdiweli Jibriil Bayle, ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hub lagu dhex qaato magaalooyinka gobolka, si loo xoojiyo amniga, xasilloonida iyo nabadgelyada guud ee bulshada sida lagu sheegay wareegto ka soo baxday.
Amarkan oo dhaqan galaya maanta oo 25-ka Oktoobar 2026 ah, ayaa ku saleysan Sharciga Nabadgelyada Guud ee Lambar 1, kaas oo soo baxay sanadkii 2000. Waxaa la faray hay’addaa ammaanka gobolka in laga hirgeliyo go’aankan soo baxay dhammaan magaalooyinka Gobolka Mudug ee dhanka Puntland.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa fulinta amarka u xilsaaray Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo laga reebay ciidamada amniga ee hubka u sita gudashada waajibaadkooda shaqo.
Maamulka Gobolka Mudug ayaa ugu baaqay bulshada inay u hoggaansamaan amarka, isagoo sheegay in qofkii lagu qabto isagoo hub ku dhex wata magaalooyinka la horgeyn doono sharciga.
HBN ONLINE TV

