Baarlamaanka cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa markii 2-aad Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe u doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedkaasi, kaddib doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.
Guudlaawe ayaa helay 81 cod, halka musharraxii la tartamayay, Nuur Cilmi Calane, uu helay 13 cod, iyada oo doorashada ay ka qaybgaleen 98 xildhibaan, waxaana xumaaday 4 cod.
Hoggaamiyaha dib loo doortay ayaa u mahadceliyey xildhibaannada kalsoonida siiyey, isaga oo sheegay inuu diyaar u yahay hoggaaminta Hirshabeelle 5-ta sano ee soo socota.
“Waxaan u mahadcelinayaa golaha wakiillada ee isiiyey kalsoonidooda, shanta sano ee soo socota in aan Hirshabeelle hoggaamiyo,” ayuu yiri hoggaamiyaha la doortay Cali Guudlaawe.
Guudlaawe ayaa sidaas ku sii hoggaamin doona maamulka Hirshabeelle, isaga oo aan wax culeys siyaasadeed ah la kulmin.
Dhanka kale, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa isna ku guuleystay xilka hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle, kaddib markii uu helay 79 cod, waxaana Musharraxa la tartamayey Cabdifataax Baashi Maxamed uu helay 16 cod, halka ay halaabeen 2 cod.
HBN ONLINE TV

