Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 15 sano jirada ayaa guul weyn oo dhiirrigelin leh ka gaaray dhiggooda Puerto Rico , kaddib markii ay 3-1 uga adkaadeen kulan ka tirsan tartanka Koobka Adduunka ee ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 15 jirka ee ka socda magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan.
Guushan ayaa farxad iyo dhiirrigelin u ah shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ciyaartoyda da’da yar ay muujiyeen karti, dadaal, isku duubni iyo xirfad ciyaareed.
Natiijadan ayaa muujineysa rajada laga qabo mustaqbalka kubadda cagta Soomaaliya, gaar ahaan jiilka cusub ee ciyaartoyda Soomaaliyeed ee doonaya inay dalkooda guulo uga soo hooyaan
HBN ONLINE TV

