Muxuu yahay qorshaha wafdiga ka socda Turkiga ee Muqdisho soo gaaray?

Waxaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi Turki ah oo booqasho ku yimid Soomaaliya, xilli Ankara ay dalka ka dhisayso xarun hawada sare loo adeegsan rabo oo la xiriirta qorshaha howlgalka dayax-gacmeedka ee la filayo 2027.

Wafdiga oo uu hoggaaminayo ku-xigeenka madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Turkiga (TUA), Fatih Dulkan, ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiinta safaradda Turkiga ee Soomaaliya, waxaana la sheegay in kormeerro uu ka sameeyay xarunta dayax-gacmeedka oo dhismaheeda laga wado magaalo xeebeedka Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale, wafdiga ka mid ah mas’uuliyiin ka socda Wasaaradda Warshadaha iyo Teknolojiyadda Turkiga, Madaxtooyada, Warshadaha Difaaca iyo shirkadda Roketsa oo xarun soo saarta gantaallada, nidaamyada difaaca cirka iyo teknoolojiyadda hawada sare.

Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iskaashiga labada dal uu hadda ka socdo dhinacyada hawada sare, warshadaha, teknoolojiyadda iyo difaaca.

Booqashadan ayaa imaanaysa iyadoo Turkigu uu sii wado qorshayaashiisa la xiriira xarunta hawada sare ee Soomaaliya iyo howlgalka dayax-gacmeedka ee la qorsheeyay sanadka dambe ee 2027.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed