Qaramada Midoobey oo ka digtay in Ku dhawaad hal milyan oo qof ay Daadadku Barakicin Karaan Soomaaliya

Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Socdaalka ee IOM ayaa ka digtay in ku dhawaad 874,000 oo qof ay ku barakici karaan gudaha Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, iyadoo roobab xooggan iyo fatahaadaha webiyadu ay halis gelinayaan bulshooyin horay u saameeyeen abaaraha iyo barakaca soo noqnoqday.

Qiyaas ay IOM iyo DRC diyaariyeen ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar, iyadoo fatahaaduhu sabab u noqon karaan 92% barakaca la saadaaliyey.

Madaxa IOM ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira, ayaa sheegay in ay jirto suurtagalnimada in boqolaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo gudahood ah. Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay gashay xilli-roobaad la saadaaliyey inuu keeni karo roobab ka badan kuwii caadiga ahaa, iyadoo xaaladaha El Niño ay sii xoogeysanayaan.

IOM ayaa sheegtay in magaalooyinka Beledweyne iyo Gaalkacyo ay ka mid yihiin meelaha ugu badan ee halista ugu jira barakaca. Qiyaasta hay’addu waxay muujinaysaa in ku dhawaad 229,000 oo qof oo ku nool Beledweyne iyo 82,000 oo qof oo ku nool Gaalkacyo ay halis ugu jiraan inay guryahooda ka barakacaan. Fatahaaduhu waxay sidoo kale sababi karaan burburka dalagyada beeraha, wasakhowga biyaha iyo hakad ku yimaada helitaanka adeegyada caafimaadka.

Hay’addu waxay sheegtay inay heshay keliya 14.4 boqolkiiba lacagta 16.62 milyan oo doollar ah ee loogu talagalay diyaar-garowga iyo ka jawaabista fatahaadaha, taasoo loogu talagalay in lagu caawiyo in ka badan 517,000 oo qof.

IOM ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah u bixiso dhaqaalaha loo baahan yahay, si loo xoojiyo nidaamyada digniinta hore, loo diyaariyo waddooyinka daad-gureynta, loona helo hoy degdeg ah, biyo nadiif ah iyo adeegyada fayadhowrka dadka ay fatahaaduhu saameeyaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed