MOOYAALE: Khasaaraha ka dhashay dagaalada Oromada & Soomaalida oo sii kordheysa

Isku dhacyada qowmiyadeed ee ka socda koonfurta Itoobiya ayaa sababay in khasaare culus oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya, waxaana xogaha la helayo ay ku waramayaan in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen, tobannaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaallada u dhexeeya Soomaalida iyo Oromada ee ka dhacay magaalada Mooyaale ayaa sheegay in inka badan 2,500 oo qof ay ka gudbeen xadka──una qaxeen gudaha Kenya, sida ay sheegeen warbixino ay baahisay wakaaladda Reuters. Xiisaddan ayaa sidoo kale sababtay barakac baahsan iyo cabsi laga qabo in rabshaduhu sii socdaan.

Wararka ayaa tilmaamay in Dagaallada ay ka dhasheen muran la xiriira ka taagista calanka Dowlad Deegaanka Soomaalida deegaanka Kebele 02, oo ah deegaan maamul oo ay isku haystaan dowlad deegaannada Soomaalida iyo Oromiya. Xiisaddu waxay cirka isku shareertay 18-kii bishaan Oktoobar, kaddib markii ay isku dhaceen xubno ka tirsan labada bulsho.

Dadka ku dhintay rabshadaha waxaa ka mid ahayd gabar 13 jir ah oo lagu magacaabi jiray Diqqoo Jaataan Aagaa. Wararka laga helayo deegaanka ayaa isku khilaafsan sababta dhimashadeeda, iyadoo ilo qaar ay ku eedeeyeen booliska Soomaalida, halka warar kalena ay sheegeen inay ku dhimatay rasaas ay dhinacyadu isweydaarsanayeen. Eedeymahaas si madax-bannaan looma xaqiijin. Sarkaal caafimaad ayaa Reuters u sheegay in ku dhawaad 30 qof oo dhaawac ah la dhigay isbitaal ku yaalla Mooyaale intii ay dagaalladu socdeen.

Rabshaduhu waxay sababeen gubashada guryo iyo carqalad ku timid gaadiidka, ganacsiga iyo adeegyada hoteellada.

Sidoo kale, booliska Kenya ayaa sheegay in haweeney ku sugnayd magaalada Mooyaale ay qoorta ka haleeshay xabbad ka soo gudubtay xadka, hase yeeshee xaaladdeeda caafimaad ay degganayd kaddib markii la daweeyey.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Marsabit ee Kenya, Stanley Kamande, ayaa xaqiijiyey in in ka badan 2,500 oo Itoobiyaan ah ay magangelyo u raadsadeen dhinaca Kenya.

Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya ayaa bilowday diyaarinta gargaar bani’aadantinimo oo loogu talagalay dadka barakacay, iyadoo qorshaha hore lagu taageerayo ku dhawaad 1,000 qoys, lana siinayo hoy ku-meel-gaar ah, cunto iyo biyo nadiif ah.

Wararka maxalliga ah ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ammaanka federaalka Itoobiya ay farageliyeen dagaallada si ay xaaladda u dejiyaan. Si kastaba ha ahaatee, khasaaraha guud iyo tirada dadka barakacay weli si buuxda looma xaqiijin, iyadoo walaac laga qabo in colaadda ay saameyn dheeraad ah ku yeelato amniga iyo ganacsiga labada dhinac ee xadka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed