Doorashada Hoggaamiyaha Cusub ee Galmudug oo Socota

Golaha Wakiillada dowlad-goboleedka Galmudug oo ka kooban 89 xubnood ayaa maanta dooranaya hoggaamiyaha cusub ee maamulka iyo ku xigeenkiisa, iyadoo magaalada Dhuusamareeb ay ka socoto tirinta cododka ay xildhibaanadu dhiibanayaan.

Doorashada hoggaamiyaha waxaa ku tartamaya Cabdulqaadir Cabdullaahi Diiriye oo ka socda Xisbiga Sincad iyo Liibaan Axmed Xasan oo matalaya Xisbiga JSP.

Sidoo kale, maanta ayaa la filayaa in la doorto hoggaamiye ku xigeenka maamulka Galmudug, kaas oo qayb ka noqon doona hoggaanka cusub ee dowlad-goboleedka.

Dhanka kale, waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee caasimadda Dhuusamareeb, iyadoo la sugayo habsami u socodka doorashada.

Hoggaamiyaha la doorto ayaa beddeli doona Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor madaxweynihii hore ee Galmudug.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed