Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay bilaabeen Howlgalka loogu magacy “Banooda”, kaas oo lagu beegsanayo sida la tilmaamay xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegtay in ciidamada Kumaandooska Danab ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen duleedka deegaanka Leego ee gobolka Baay, halkaas oo ay iska horimaad kala kulmeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay sida la tilmaamay inay is-hortaagaan ciidamada dowladda.
Sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda Gaashaandhigga, iska horimaadka ayaa lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, halka ay kala wareegeen hub kala duwan.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadaan hawlgallada lagu baacsanayo xubnaha Al-Shabaab ee ka baxsaday goobihii uu dagaalku ka dhacay, iyadoo bogaadisay ciidamada ka qaybgalay hawlgalka iyo dadaallada lagu sugayo amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
Dhankeeda, dowaldda ma aanay sheegin inta uu gaarsiisan yahay waxa khasaare ee ka soo gaaray dagaalka maanta dhacay inta uu gaarsiisan yahay.
Saacadihii la soo dhaafay aya warar soo baxay waxay sheegeen ciidamo Dowladda Soomaaliya ka dirtay gobolka Shabeellaha hoose ay gudaha u galeen deegaano ka tirsan gobolka Baay, ayna ku wajahanyihiin degmada Buurhakaba oo la sheegay in kooxda Alshabaab ay la wareegtay.
HBN ONLINE TV

