Xukuumadda Somaliland ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku eedaysay faragelin ay ku hayso maamulka hawada ay sheegato, iyadoo tilmaantay inay qaadi doonto tallaabooyin lagu ilaalinayo sida hadalka loo dhigay madax-bannaanida maamul ee duulimaadyadeeda.
Shir ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu guddoomiyey Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa lagaga hadlay arrimo kala duwan, gaar ahaan maamulka hawada iyo duulimaadyada.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Yuusuf Keyse Cabdillaahi, ayaa golaha uga warramay sida bayaan la soo saaray lagu sheegay nidaamka IATA-BSP, isaga oo caddeeyey in Somaliland ay ka soo horjeeddo tallaabo kasta oo ay u aragto faragelin lagu samaynayo maamulka hawadeeda, sida uu hadalka u dhigay.
Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in xukuumaddu qaaddo tallaabooyin lagu tilmaamay kuwo ku habboon, si ay u ilaaliso maamulka hawada, badbaadada duulimaadyada iyo danaha Somaliland.
Talabaadani waxay ka dambeysay laba maalin kadib markii DFS ay sheegtay inay Somaliland kala heshiisay khilaafkii ka dhashay nidaamka fiisaha elektaroonigga ah ee eVisa, iyadoo tilmaantay in hadda labada dhinac ay ku wada qanacsan yihiin habka loo maamulayo nidaamkaas.
Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan, ayaa sheegay in aanay hadda jirin caqabado la xiriira nidaamka eVisa, isla markaana nidaamka cusub uu u furan yahay ganacsatada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan kuwa ka howlgala Hargeysa.
HBN ONLINE TV

