Qarax miino oo lala beegsaday kolonyo ciidan oo ku sii jeeday Buurhakaba

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Khasaare Dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qarax miino oo maanta lala beegsaday kolonyo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay marayeen deegaanka Doonka ee u dhexeeya degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu haleelay laba ka mid ah gaadiidka kolonyada, isla markaana uu khasaare soo gaaray askarta la socotay ciidamada.

Kolonyada ayaa la sheegay inay ahayd gurmad ku sii jeeday degmada Buurhakaba, halkaas oo ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda iyo maleeshiyaad Al-Shabaab ah.

Ilaa hadda, Taliska Militariga Soomaaliya faahfaahin kama bixin qaraxa iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Dhanka kale, dagaal ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Jameeco, iyadoo dowladda federaalku ciidamo dheeraad ah geysay deegaannada Koonfur Galbeed.

 

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed