Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa digniin adag ka soo saartay faafinta waxay ugu yeertay dacaayadaha kooxaha argagixisada iyo maleeshiyaad lala xiriiriyay Cabdicasiis Laftagareen, madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed.
War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniintan u dirtay hay’adaha warbaahinta, mareegaha iyo maamulayaasha baraha bulshada.
Dowladdu waxay sheegtay in aan la aqbali doonin in warbaahinta loo adeegsado sida hadalka ay u dhigtay abaabulka weerarro, dhiirrigelinta ku biirista kooxaha loogu yeero argagixisada ama kicinta rabshado hubaysan oo khatar gelinaya amniga dalka.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay caddeysay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo inay si ula kac ah u faafisay dacaayadaha argagixisada, maalgelisay kooxahaas ama dhiirrigelisay falalkooda, iyadoo lagu salaynayo sida ay ku dooday caddaymaha la hayo iyo mas’uuliyadda qofka.
Ugu dambayn, DFS ayaa warbaahinta iyo maamulayaasha baraha bulshada ugu baaqday inay ilaaliyaan shuruucda dalka iyo anshaxa saxaafadda.
HBN ONLINE TV

