Maxay tahay khariiradda Netayahu soo bandhigay ee Soomaalidu aadka u hadal hayso? 

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa xalay khudbad uu kaga hadlayay istaraatiijiyadda cusub ee amniga Israa’iil ku soo bandhigay khariidad muujinaysa isbahaysiyada siyaasadeed iyo militari ee ka jira Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Netanyahu ayaa ka digay laba garab oo uu u arko inay khatar ku yihiin Israa’iil, waa sida hadalka uu u dhigaye, kuwaasi oo mid ka mid ah ay hoggaamiso Iiraan iyo mid kale oo uu ku xiriiriyay Turkiga iyo wax uu ku tilmaamay “Ikhwaanka Muslimiinka”. Wuxuu sidoo kale sheegay in Israa’iil ay dadaal ugu jirto sameysashada isbahaysiyo cusub oo gobolka ah.

Khariidaddan waxaa asal ahaan 19-kii May 2026 soo saartay hay’adda Jarmalka ee Friedrich-Ebert-Stiftung, oo ah hay’ad ka shaqeysa cilmi-baarista siyaasadda, nabadda iyo xiriirka caalamiga ah. Waxaa diyaariyay laba nin oo lagu magacaabo Marc Saxer iyo Marcus Schneider, waxaana loogu talagalay in lagu sharaxo isbeddellada awoodda iyo isbahaysiyada gobolka.

Midabada Khariidadda iyo Macnahooda

  1. Midabka Cagaar madow – Isbahaysiga Sunni Diamond (Afar Xagalka Sunniga)

Waxaa lagu muujiyay Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Pakistan. Khariidaddu waxay dalalkan u aragtaa garab soo kobcaya oo doonaya inuu dheellitiro saameynta Iiraan iyo iskaashiga Israa’iil iyo Imaaraadka.

  1. Midabka Cagaar khafiif ah – Saaxiibbada Sunni Diamond (Afar Xagalka Sunniga)

Waxaa lagu muujiyay dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Suudaan, Urdun, Suuriya iyo Yemen qaybo ka mid ah. Waxay tilmaamaysaa dalal ama maamullo xiriir siyaasadeed iyo dano wadaag la leh garabka cagaaran.

  1. Midkabka Guduudka ah – Iiraan iyo Dhidibada Iska caabinta

Waxaa lagu muujiyay Iiraan, Xuutiyiinta Yaman iyo kooxaha kale ee xiriirka dhow la leh Tehran. Garabkan waxaa lagu tilmaamaa mid iskaashi siyaasadeed iyo militari ku mideysan, gaar ahaan mucaaradnimada Israa’iil.

  1. Casaan khafiif ah – Saaxiibbada Iiraan

Wuxuu tilmaamayaa dalal ama xoogag ay khariidaddu u aragto inay xiriir wanaagsan la leeyihiin Iiraan, balse aan si toos ah uga tirsanayn isbahaysigeeda ugu muhiimsan.

  1. Buluugga madow – Isbahaysiga Israa’iil iyo Imaaraadka “Isbahaysiga Lix-geesoodka ah.”

Waxaa lagu muujiyay iskaashiga istaraatiijiyadeed ee Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo khariidaddu ugu yeertay Hexagon Alliance (HEK-SUH-GON UH) Waa xiriir ku dhisan dano amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

  1. Buluug khafiif ah – Saaxiibbada Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta

Khariidadda waxaa midabkan lagu muujiyay Itoobiya, Somaliland, Puntland iyo deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada RSF ee Suudaan.

Midabkani wuxuu tilmaamayaa dhinacyada ay hay’adda Friedrich-Ebert-Stiftung ku qiimeysay inay xiriir siyaasadeed, amni ama dano istaraatiiji ah la leeyihiin Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, kala soociddani ma caddaynayso in dhammaan dhinacyadani ay heshiisyo militari oo rasmi ah la galeen Israa’iil ama Imaaraadka.

  1. Xuduud bunni ah – Xulafada Mareykanka

Waxay muujinaysaa dalalka NATO iyo xulafada waaweyn ee Mareykanka ee aan NATO ka tirsanayn.

  1. Xuduud huruud ah – Dalalka Mareykanku saaxiibbo u arko

Waxay tilmaamaysaa dalal uu Mareykanku la leeyahay xiriir siyaasadeed, dhaqaale ama amni oo wanaagsan, inkastoo aysan dhammaantood ahayn xulafo militari oo rasmi ah.

Soomaaliya iyo Geeska Afrika

Khariidadda ayaa si gaar ah u muujinaysa kala duwanaanshaha siyaasadeed ee Geeska Afrika. Soomaaliya waxaa lagu muujiyay cagaar khafiif ah, halka Somaliland iyo Itoobiya lagu muujiyay buluug khafiif ah. Puntland iyo maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale lagu calaamadeeyay magacyadooda.

Suudaan waxaa loo kala muujiyay dowladda iyo deegaannada ay maamulaan RSF, iyadoo midabbo kala duwan loo adeegsaday. Kala soociddani waa aragtida falanqeeyayaasha diyaariyay khariidadda, mana aha xaqiijin rasmi ah oo ku saabsan aqoonsi diblomaasiyadeed, taageero militari ama heshiisyo qarsoodi ah.

Maxay Tahay Farriinta Khariidaddan?

Soo bandhigista khariidaddan ee khudbadda Netanyahu waxay muujinaysaa muhiimadda ay Israa’iil siinayso isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa amni ee gobolka.

Khariidaddu waxay tilmaamaysaa saddex garab oo waaweyn: midka Iiraan, iskaashiga Israa’iil iyo Imaaraadka, iyo garabka soo kobcaya ee Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Pakistan.

Isbahaysiyadan qaarkood waa xiriirro soo kobcaya ama qiimeyn falanqayn ku dhisan, mana aha dhammaantood dhinacyomilitari oo leh heshiisyo difaac oo rasmi ah.

Arrinta ugu muhiimsan ayaa ah in loollanka awoodda Bariga Dhexe uu si toos ah u saameyn karo Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, Itoobiya, Suudaan iyo marin-biyoodka Badda Cas.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed