Muxuu ahaa kiiska muranka badan dhaliyey ee la xiriira wiil laba qoys isku haysteen cidda dhashay?

Guddi Culimo ah oo gacanta ku haayey kiiska wiil yar oo lagu magcaabo Maxamed, oo 16 jir ah, lana xariiray muran dhasho oo ay isku qabsadeen laba nin oo lagu kala magcaabo Liibaan Xaaji Tahliil iyo Faarax Cawil ayaa soo saartay go’aan kama dambeys ah sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Kiiskan oo muddooyinkii dambe si weyn looga hadal hayay baraha bulshada ayaa go’aanka soo baxay waxaa lagu sheegay in wiilka yar uu dhalay Liibaan Xaaji Tahliil.

Faarax iyo Liibaan ayaa labaduba guursaday haweeynay magaceeda lagu soo koobay Xaliimo oo ah hooyada dhashay Maxamed, isla markaana mid walba sheegtay inuu isagu dhalay wiilka.

Maamulka Puntland ayaa guddi culimo ah u xilsaartay dhageysiga kiiska, waxaana la wareystay labada nin, hooyada, wiilka, markhaatiyaal iyo dad kale oo arrinta xog ka hayay.
Muranka oo dheeraaday waxa uu sababay Dhimasho iyo dhaawac sida laga hor sheegay Maxkamadda, waxaana ugu dambayn la go’aamiyay in lagu kala baxo Go’aan Maxkamadeed oo gunaanadkii maanta soo baxay.
Kiiskaan waxa uu kamid noqday kiisaska hadal haynta dhaliyay ee Maxkamadaha lagu qaado iyada oo aan la adeegsan aaladda lagu ogaan karo Hiddaha qofka ee DNA, waxaana maalmo kala duwan la dhagaystay qodobada kiiskaas hoostagaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed