Ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 17 sano ee Xulka qaranka Soomaaliya ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah, inkastoo Uganda ay rigoorayaal 6-5 ah kaga adkaatay ciyaartii finalka.
Labada xul ayaa 90-kii daqiiqo ku kala baxay barbarro 0-0 ah, iyadoo ciyaartoyda Soomaaliya ay heleen fursado dhowr ah oo ay guusha ku xaqiijin kareen, balse nasiibku uu ka hiiliyay.
Uganda ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay koobka ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 17 sano ee Bariga & Bartamaha Afrika , balse Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay ka qeybgaleyso tartanka Qaramada Afrika ee ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 17 sano ee sanadka 2027, kaas oo lagu qaban doono Morocco, maadaama Guushan ay ciyaarta isreebreebka Soomaaliya u tahay tallaabo muhiim ah.
HBN ONLINE TV

