Roobab xooggan ayaa durba fatahaado ka sababay qaybo ka mid ah gobollada ka tirsan maamullada Waqooyi Bari, Somaliland, Puntland, Hirshabeelle iyo Galmudug, gaar ahaan Caabudwaaq, Xarardheere iyo Muqdisho.
Sawirka la socda warkan wuxuu muujinayaa xaafado biyo badan dhex galeen, waddooyin qarsoomay iyo guryo ay biyuhu gaareen qaybaha hoose.
Hay’adda IRC ayaa xaqiijisay in roobabkii Muqdisho ay waxyeelleeyeen xarumo caafimaad, halka Xarardheere laga soo sheegay dad gargaar degdeg ah u baahan.
Hay’adda SoDMA waxay ka digtay in 2.5 ilaa 3.5 milyan oo qof ay halis ugu jiraan fatahaado, iyadoo El Niño uu kordhin karo roobabka bilaha soo socda.
Guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin oo faahfaahin ka bixiyey roobabka da’ay ayaa warbaahinta la wadaagay meelaha hadda xaaladda adag ka jiraan iyo kuwo uu digniin cusub ka bixiye.
HBN ONLINE TV

