Dalladda ururada Bulshada Rayidka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujisay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo ka digtay saamaynta uu ku yeelan karo xasilloonida dalka, midnimada shacabka iyo madax-bannaanida siyaasadeed.
War saxaafadeed ay soo saartay, ayay Daladda ayaa lagu sheegay inay ka xun tahay dib-u-dhaca ku yimid wada-hadalladii u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo ay garwadeen ka ahayd beesha caalamka.
Waxay sidoo kale walaac ka muujisay jadwalka doorashooyinka heer federaal ee dowladda soo saartay, iyadoo sheegtay inuu sii adkayn karo sida ay ku dooday wada-hadallada haddii aan heshiis loo dhan yahay la gaarin.
Bayaanka Dalladda ururada Bulshada Rayidka ayaa ku baaqay in si degdeg ah dib loogu bilaabo wada-hadallada siyaasadeed──lana dhiso guddi farsamo oo ka shaqeeya arrimaha doorashooyinka, si loo helo hannaan doorasho oo ay dhammaan dhinacyadu ku wada qanacsan yihiin.
Dalladdu waxay ugu baaqday hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay muujiyaan mas’uuliyad, isu-tanaasul iyo bisayl siyaasadeed, ayna mudnaanta siiyaan danta guud, midnimada qaranka iyo xasilloonida dalka. Waxay sidoo kale ku boorrisay dhinacyada inay xoojiyaan dadaallada lagu gaarayo heshiis siyaasadeed oo waara.
HBN ONLINE TV

