Muxuu yahay Khilaafka Hoggaanka sare ee hirshabeelle oo markale dib u soo laba kacleeyey?

Khilaafka hoggaanka sare ee maamulka Hirshabeelle ayaa mar kale dib u soo cusboonaaday, kadib markii Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen, uu xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan, Maxamed Xuseen Maxamed (Carab), una magacaabay Muuse Salaad Weheliye, oo horey xilkan looga qaaday. Go’aanka ayaa yimid kadib soo jeedin la sheegay inay ka timid Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka.

Xil ka qaadista ayaa timid maalmo kadib muran ka dhashay dakhliga canshuuraha laga qaado Suuqa Xoolaha ee Beledweyne iyo qaabka loogu qaybinayo deegaannada gobolka. Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa ka horyimid in dakhliga magaalada loo qaybiyo deegaanno kale, isagoo ku dooday in arrintaasi aysan caddaalad ahayn.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), ayaa sharci-darro ku tilmaamay xil ka qaadista, wuxuuna sheegay isaga oo duraya madaxweyne Cali Guudlaawe in muddo-xileedkiisu dhammaaday, isla markaana uu yahay musharrax ah, uusana sharciyad u lahayn magacaabista ama xil ka qaadista guddoomiye gobol.

Dabageed ayaa faray Maxamed Carab inuu sii wato shaqadiisa inta heshiis laga gaarayo khilaafka kala-guurka, wuxuuna maamulka gobolka iyo degmooyinka ugu baaqay inay la shaqeeyaan. Wuxuu laamaha amniga ku amray inay taageeraan guddoomiyaha, isagoo ka digay tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo amarka jebisa.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed