Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa caawa u soo baxay dhamaadka tartanka ciyaaraha CECAFA U-17, kaddib markii ay guul muhiim ah ka gaareen xulka Rwanda. Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Kigali Pelé Stadium ayaa waqtigii rasmiga ahaa ku dhammaatay barbaro 1-1 ah, balse xulka Soomaaliya ayaa guusha ku xaqiijiyay rigoorayaal gool-ku-laad ahaa oo ku soo dhamaatay 5-4 ah ay kaga adkaadeen dhiggooda, iyaga oo boos ka helay ciyaarta kama dambaysta ah.
Xulka Qaranka Soomaaliya ee Ocean Stars ayaa soo bandhigay ciyaar ay ka muuqatay xirfad & isku xirnaan, taas oo u suurtagelisay inay ka gudbaan xulka martigelinayay tartanka. Guushan ayaa Soomaaliya u horseedday inay hal kulan u jirto hanashada koobka, isla markaana ay sii xoojisay rajada ay ka qabto inay u soo baxdo Koobka Qaramada Afrika ee U-17.
Soomaaliya ayaa semi-finalka soo gaartay kaddib markii ay kaalinta koowaad ka gashay Group C. Waxay barbaro 1-1 ah la gashay Tanzania, iyadoo Cabdikarin Cabdulqaadir uu gool dhaliyay, kaddibna waxay 2-0 kaga adkaatay Kenya, waxaana goolasha u kala dhaliyay Anas Ciise Maxamed iyo Axmed Caaqil Maxamed.
Maaddaama Soomaaliya iyo Tanzania ay isku mid ka noqdeen dhibcaha iyo tirakoobka goolasha, qori-tuur uu sameeyay guddiga CECAFA ayaa Soomaaliya u xaqiijiyay kaalinta koowaad ee guruubka.
Dowladda Soomaaliya ayaa bogaadisay xulka qaranka, iyadoo ku ammaantay sida ay u difaaceen sharafta iyo sumcadda calanka dalka, isla markaana caddeysay inay garab taagan tahay ciyaartoyda.
Dhanka kale, Rwanda ayaa semi-finalka soo gaartay kaddib guulo ay ka gaartay Suudaanta Koonfureed iyo Suudaan, iyadoo hoggaamisay Group A.
Soomaaliya ayaa hadda isu diyaarinaysa kulanka finalka oo ay 19-ka Oktoobar la ciyaari doonto dhiggeeda Uganda.
Sidoo kale, tartankan ayaa qayb ka ah isreeb-reebka Koobka Qaramada Afrika ee U-17 ee 2027, kaas oo lagu qaban doono Morocco. Xulalka gaara finalka iyo kooxda ku guuleysata ciyaarta kaalinta saddexaad ayaa gobolka CECAFA uga soo bixi doona tartanka qaaradda.
HBN ONLINE TV

