Xildhibaanada Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa maanta doortay guddoonka Golaha, waxaana Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada kadib markii uu helay cododkii ugu badnaa.
Doorashada Guddoomiyaha waxaa ka qeyb galay dhammaan 89-ka xildhibaan eee Golaha uu ka kooban yahay. Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne), oo ka socday urur siyaasadeedka JSP, ayaa helay 79 cod, halka Ismaaciil Cabdi Jimcaale oo ka socday urur siyaasadeedka Sincad uu helay 8 cod, waxaana halaabay 2 cod.
Sidoo kale, Cabdulqaadir Axmed Cali ayaa ku guuleystay xilka Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad, halka Mursal Cabdi Aadan uu ku soo baxay ku xigeenka 2-aad, kadib markii labadan boos ay ku heleen codad gacan-taag ah oo ay u codeeyeen 87 xildhibaan.
Cabdulqaadir Axmed Cali iyo Mursal Cabdi Aadan ayaa labaduba ka socday urur siyaasadeedka JSP, mana jirin musharraxiin kale oo kula tartamayay xilalka guddoomiye ku-xigeennada.
Sida ku cad jadwalka doorashada ee guddiga doorashooyinka Soomaaliya, waxaa Hoggaamiyaha maamulka Galmudug iyo ku xigeenkiisa la qaban doonaa 22-ka bishaan Octobar 2026. Dhismaha hay’adda maamulka Galmudug ayaa noqoneysa doorashadii 3-aad, waxaana saldhigiisu yahay magaalad Dhuusamareeb.
HBN ONLINE TV

