Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka digay cawaaqibka  ka dhalan kara xiisaddaha DFS kala dhexeeya

Qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa caawa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee mar kale soo kala dhex galay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka, iyagoo ka digay in tallaabooyinka socda ay keeni karaan sida ay hadalka u dhigeen go’aanno saameyn ku yeelan kara mustaqbalka dalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore, Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa sheegay in waa sida hadalka uu u yiriye “weerarrada iyo handadaadda” lagu hayo hoggaanka mucaaradka, gaar ahaan madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay dib u dhac ku yeelan doonto dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ay sababi karaan colaado sokeeye.

“Weerarka iyo handadaada lala maagan yahay hoggaanka Mucaradka, gaar ahaan madaxweynihii Jamhuuriyadda 7-aad ee Soomaaliyeed waa nasiib darro iyo dib u dhac dowladnimada Soomaaliyeed la soo daristay. Beegsiga waxaa ka dhasha dagaallo sokeeye & anooyin mahadha ah” ayuu yiri Saacid.

Sidoo kale, xubnaha mucaaradka ee hadlay ayaa ka mida ahaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isaguna sheegay in tallaabooyinka socda ee ka dhanka ah Sheekh Shariif ay yihiin beegsi siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa sheegay in dowladda aysan ka gorgortami doonin sugidda amniga dalka, isagoo digniin u jeediyey siyaasiyiinta mucaaradka.

“Amniga hadaad far u soo dhaqaajisid laba far ayaa lagu soo dhaqaajinaa, dowladune ka gorgortami mayso amniga wadanka”

Inkasta oo dhinacyadu isku eedeeyeen in mid walba kan kale ku riixayo in gacan hadal uu dhaco, hadane saacadihii la soo dhaafay, waxaa socday dadaalo lagu doonayey in lagu xaliyo muran siyaasadeed ee taagan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed