Iyada oo caawa Xiisad colaadeed & dhaqdhaqaaq ciidan uu ka taagan yahay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa arrimahaasi wararkii ugu dambeeyey ka hadlay Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, kadib markii uu si adag kaga falceliyey eedeymo loo jeediyey oo kaga yimid hay’addaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS).
War saxaafadeed uu soo saaray caawa ayuu beeniyay eedeymaha goor sii horeysay ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA oo la xiriira falal hubeysan oo ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay kuwo marin-habaabin ah oo lagu sumcad-dilayo Mucaaradka.
Bayaanka Shariif ayaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen wax uu ugu yeeray jidgooyooyin, xannibaado saameeyay isu-socodka iyo adeegyada daruuriga ah, iyo afduub loo geystay qaar ka mid ah shaqaalaha xaruntiisa sida uu hadalka loo dhigay. Ma jirto cid madaxbanaan oo eedeymahaasi xaqiijisay.
Shariif ayaa dowladda ugu baaqay inay ka fogaato tallaabooyin uu ku sheegay kuwa hurin kara iska horimaad, isagoo ku adkeystay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, sharci iyo heshiis siyaasadeed.
Dhanka kale, inkasta oo aanu jirin hadda wax dagaal toos ah oo dhinacyada u dhexeeya, waxaa goor sii horeysay oo caawa ah Dowladda Federaalka Soomaaliya cambaareysay falal ay ku tilmaantay kuwo hubeysan oo lagu beegsaday ciidamada Ilaalada Shacabka ee ka howlgala Waaxda General Daa’uud ee degamada Wadajir. Dhacdaadaan waxay ku eedeysay madaxweyne hore Shariif Sheekh in xubno lala xariiriyey ay ka dambeeyeen , balse ma jirto cid madaxbanaan arrintaasi xaqiijin karta.
HBN ONLINE TV

