Dawlada Soomaaliya oo caddeysay mowqifkeeda ku aadan colaada Itoobiya & khilaafaadka gobolka

Kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud uu labadii todobaad ee la soo dhaafay uu siyaabo kala duwan u kulmay dhincyada khilaafku kala dhexeeyo Itoobiya  ayaa waxaa soo baxday su’aalo culus oo wax la iska waydiiyey halka Soomaaliya ka taagantahay xaaladdani cakiran.

Dowladda Soomaaliya ayaa caddeysay mowqifkeeda ku aaddan colaadaha iyo khilaafaadka gobolka geeska Afrika ayaa sheegtay inay door dhexdhexaad ah ka qaadanayso xalinta xiisadaha jira.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xasan Maxamed Cali, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku taagan tahay mowqifkeedii hore ee nabadeed iyo dhexdhexaadin, isla markaana ay ilaalinayso danaha qaranka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka, si gaar ah kuwa hadda khilaafka culus uu ka dhex qarxay ee Itoobiya iyo Eritrea.

Wuxuu xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu sidii hore yahay, isla markaana uusan jirin wax dhibaato ah oo labada dal u dhexeeya.

“Soomaaliya booskeeda waa boos nabadeed oo dhexdhexaadin ah, sidoo kalane ka shaqeynaysa danaha Soomaaliya kaga xiran dalalkaasi iyo gobolka oo dhan. Dalalkaasi oo dhan waxaa kala dhexeeya xiriir fiican. Itoobiya xiriirkii Soomaaliya kala dhexeeya waaa sidiisa──Ciidaamane ka jooga oo kamid ah AUSSOM. Wax dhibaato ah oo ka dhexeeya ma jiraan” ayuu yiri wasiir Xasan.

Dhanka kale, Hoggaamiyeyaasha Masar, Eritrea, Soomaaliya, iyo Suudaan oo shir xasaasi ku yeeshay magaalada New Calamayn ee waqooyiga Masar  ayaa bayaan laga soo saaray waxaa lagu sheegay in lagu diiday tallaabooyin hal dhinac ah oo Itoobiya qaado oo waxyeello u geysan kara xuquuqda biyaha Masar iyo Suudaan, ayna ka hor yimaadeen faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka gobolka.  Khilaaf webiga Niil ayaa gaaray meel xasaasi ah, halka Dowladda Suudaan ay ku eedeysay in Addis Ababa inay taageero siisay kooxda RSF, balse waa ay beenisay.

Waxyaabaha lagu xusay waxaa ku jiray in si wadajir ah u taageereen madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo hay’adaha dowladda Suudaan, halka isla sidoo kale ay xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo diiday faragelin kasta oo wax u dhimaysa midnimada dhuleed ee dalka, iyo aqoonsi ama taageero loo fidiyo waxa bayaanka loogu yeeray “maamul gaar ah” oo loola jeedo Somaliland.

Arrintan cakiran ayaa ku soo aadaysa, iyada oo Waqooyiga Itoobiya ay ka taagan tahay colaad si weyn u saameysay siyaasadda gobolka, waxaana Addis Ababa ay Eritrea ku eedaysay inay ku lug leedahay khilaafka TPLF iyo Dowladda dhexe, eeddaas oo Asmara ay beenisay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed