Turkiga oo qorsheynaya in dayax gacmeedka Şimşek-1 uu ka diro Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaysa inay sanadka soo socda ee 2027 sameeyso duullimaadka ugu horreeya ee gantaalkiisa cusub ee Şimşek-1, iyadoo Soomaaliya ay martigelinayso xarun cusub oo laga gano gantaallada hawada sare.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in wafdi uu hoggaaminayay Safiirka Turkiga Ferhat Alkan, ayna qeyb ka ahaayeen Taliyaha Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya, Sarreeye Gaas Sebahattin Kalkan, ay booqdeen mashruuca Spaceport ee laga dhisayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wafdiga ayaa warbixin ku saabsan mashruuca ka dhageystay Ahmet Sami İşler, Maareeyaha Guud ee Albayrak Group Somalia ahna Guddoomiyaha Golaha Ganacsiga Türkiye & Soomaaliya ee DEİK.

Safaaradda Turkiga ayaa sheegtay in mashruucan la filayo inuu Soomaaliya ka dhigo mid ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee dunida ee daraasaadka iyo howlaha hawada sare.

Dhanka kale, shirkadda Turkiga ee Roketsan ayaa horumarinaysa Şimşek-1, oo loogu talagalay inuu 400 kiiloogaraam oo dayax-gacmeed ama qalab ah geeyo meeris dhulka u dhow oo jooggiisu yahay 500 km.

Duullimaadka ugu horreeya waxaa la qorsheynayaa 2027, hase yeeshee weli waxaa la sugayaa xaqiijin rasmi ah oo Roketsan ka soo baxda oo si cad u sheegaysa in Şimşek-1 laga ridi doono xarunta Warsheekh.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed