Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta gaaray magaalada Ballanbale ee waqooyiga gobolka Galgaduud, ayaa halkaasi kaga qeybgalay munaasabad lagu soo xiray geeddi-socod dib-u-heshiisiin ah oo laga gaaray colaad soo jiitamaysay sanadihii ugu dambeeyey oo maleeshiyaad horey ugu dagaallameen deegaanka.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo munaasabadda gogosha heshiiska lagu gaaray ka hadlay ayaa amar ku bixiyey tallaabo sharci oo aan naxariis lahayn laga qaado cid walba oo qof disha, isaga oo tilmaamay go’aankan ay fulin doonaan hay’ada amniga ee Dowladda.
“Waxaan faraynaa Hay’adda Nabad sugidda in qofkii qof dila ay wadada lagu heshiiyey marisaan naxariis la’aan, weliba fursadaa la idin siiyey ciddii idinla dagaallanta sii mara adinkoo jidkaas marayaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Xamsa.
Geeddi-socodka Dib-u-heshiisiinta ayaa ku soo beegmeysa xilli gobolka Galgaduud ay hore uga dhaceen dagaal beeleedyo iyo dilal aargoosi ah oo saameeyay bulshada, gaar ahaan dadka xoolo-dhaqatada ah.
Sidoo kale, dhinacyada waxgaradka hadlay gogosha lagu soo afjarayey colaadda waxaa kamid ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax, isaga oo yiri “Magaaladan Balanballe ilaa Itoobiya ilaa Guriceel inta ka dhexeysa qof nabad-galyo ku seexan jiray ma jirin, Caawane waxaad ogaataan qof walba inuu gurigiisa Nabadgelyo ku hurdo”.
Dhankiisa, Ugaas Xasan Ugaas Maxamed ayaa isna hadlay ayaa yiri “Waxaan tallaabo ka qaadi doonnaa cid kasta oo isku dayda inay colaad ka dhex abuurto beelaha Guriceel & Balanballe. Dadkani hore ayay u dagaallameen oo isu dileen; ma awoodaan inay galaan colaad kale”.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu kormeero qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud, gaar ahaan xeryo iyo xarumo lagu tababarayo ciidamada qalabka sida ee Dowladda Federaalka, isla markaana uu la kulmo ciidamada ku sugan xeryahaas.
HBN Online Tv

