Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay hadallo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay wareysi uu siiyay Telefishinka Al Jazeera, kuwaas oo la xiriiray xiriirka Somaliland iyo Israa’iil iyo wararka sheegaya in Israa’iil qorshaynayso saldhig badeed oo laga sameeyo magaalada Berbera. Somaliland waxay sheegtay in hadalladaasi yihiin sheegashooyin marin-habaabin ah sida hadalka ay u dhigtay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland waxay sheegtay in Dowladda Soomaaliya aysan awood u lahayn waa sida ay sheegtaye inay go’aamiso xiriirrada diblomaasiyadeed ee Somaliland ama ay ku hadasho magaca shacabka Somaliland.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Somaliland ay xornimadeeda qaadatay 26-kii Juun 1960, dibna u xaqiijisay dowladnimadeeda 18-kii May 1991, iyadoo sheegtay inay muddo ka badan 33 sano dhisaysay hay’ado dowladeed iyo nidaam doorasho.
Warsaxafaddeedka ayaa lagu sheegay in Somaliland waxay sheegtay in xiriirka ay la leedahay Israa’iil uu ku salaysan yahay go’aanno madaxbannaan iyo iskaashi diblomaasiyadeed, iyadoo si adag loo beeniyay in Berbera loo adeegsan doono weerarro ka dhan ah dalal kale, waxayna Wasaaraddu diidday inay horay Israa’iil ula gashay heshiis saldhig militari. Somaliland waxay ku adkaysatay in xiriirkeedu yahay mid diblomaasiyadeed oo keliya.
Sidoo kaole, Somaliland waxay sheegtay inay taageersan tahay heshiisyo Itoobiya u oggolaanaya inay hesho marin badeed, iyadoo lagu salaynayo iskaashi labada dhinac dan u ah. Waxay dhaliishay mowqifka Muqdisho ee ku aaddan is-afgaradkii Itoobiya iyo Somaliland ee 2024.
Maalinimadii shaly, wareysi uu bixiyay, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku sheegay in Soomaaliya aysan “xaalad kasta” ku aqbali doonin joogitaanka Israa’iil gudaha dalka, isagoo sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso saldhig badeed oo Berbera laga sameeyo iyo isticmaalka garoonka diyaaradaha magaalada. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu aaminsan yahay in qorshahaasi uu Israa’iil ugu dhowaanayo dalalka Khaliijka iyo Iiraan, isla markaana Soomaaliya ay ka hortagayso waxa uu ku tilmaamay caqabadda ka dhalanaysa tallaabooyinka Israa’iil. Madaxweynaha wuxuu intaas ku daray inuu aaminsan yahay in shacabka Somaliland ay ka soo horjeedaan joogitaanka Israa’iil, isaga oo intaas ku daray in arrintan uga shaqaynayo ilaalinta madaxbannaanida iyo danaha Soomaaliya.
HBN Online Tv

