Pakistan oo shaqeynaysa dib u soo celinta meydad badmaaxiin dalkeeda u dhashay oo lagu dilay xeebaha Puntland

Dawlada  Pakistaan ayaa wada diyaar-garow lagu soo celinayo meydadka 3 badmaax oo Pakistani ah oo lagu dilay markab shidaal oo ay burcad-badeeddu ku afduubteen xeebaha Puntland ee Soomaaliya, sida uu sheegay saacadihii la soo dhaafay xafiiska Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif oo arrintan ka hadlay.

Markabka MT Honour 25 oo watay calanka Palau (Palaaw) ayaa 21-kii bishii Abriil ee sanadkan 2026 lagu afduubtay meel ka baxsan Puntland, iyadoo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, oo 10 ka mid ahi Pakistani ahaayeen. Ciidamada ammaanka Puntland ayaa markabka dib ula wareegay 29-kii bishii hore ee Sebtembar kadib howlgal socday in ka badan 5 bilood.

Sida la sheegay 3 Pakistani ah oo ku dhintay hawlgal lagu soo furanayay markab lagu haystay xeebaha Pungland ayaa lagu kala magacaabi jiray Rafi Ullah Khan, Syed Kashif Umer iyo Mahmood Ahmed Ansari. Meydadkooda ayaa la geeyay Addis Ababa, iyadoo Ethiopian Airlines ay diyaarinayso safarkooda Karachi.

Afar badmaax oo Pakistani ah oo la sii daayay ayaa la filayaa inay Axadda gaaraan Karachi, halka saddex kale ay weli saaran yihiin markabka.

Sharif ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in qoys kasta oo saddexda dhintay ah la siinayo 12.5 milyan oo rupee oo ah lacagta Pakistan oo u dhiganta $130 kun oo Dollar iyo guri, carruurtoodana loo fidinayo waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo bilaash ah.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed