Dagaal dib uga qarxday magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal culus oo maanta ka qarxay duleedka magaalada, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Goobjoogayaal ku sugan Laascaanood oo la hadlay telefishinka HBN ayaa sheegay in dagaalku uu ka dhacay dhanka Galbeed ee magaalada gaar ahaan halka loo yaqaan Dhuxuunsho, iyadoo dagaalkan loo adeegsaday noocyada kala duwan ee hubka.

Dhanka maamulka SSC Khaatumo oo gacanta ku haya magaalada Laascaanood ayaa sheegay waa sida hadalka ay u dhigeene inay iska caabiyeen weerar Somalialnd ku soo qaaday, inkastoo cid madaxbannaan arinkaasi aanay xaqiin.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo muddo socday isla markaana dayaanka madaafiicda iyo rasaasta laga maqlayay gudaha magaalada Laascaanood.

Dagaalka maanta ayaa ku soo aadayaa iyadoo ay socdaan dadaal gudaha iyo dibada ka socda oo lagu doonayo in colaadan afar bil jirsatay lagu joojiyo.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed