Urur siyaasadeedka Towfiiq oo aan ka soo muuqan Liiska Ururada ka qeyb-galaya doorashada ku celiska ah ee lagu wado in dhamaadka bishaan September ka dhacdo maamulka Galmudug ayaa si adag u dhaliilay Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya, kaddib markii uu sheegay in si ula kac ah uu uga reebay sida uu hadalka u dhigay doorashada soo socota.
War-saxaafadeed uu soo saaray Ururka Towfiiq ayuu ku sheegay inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada, isagoo xusay inuu u hoggaansamayo shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka.
“Ururka Towfiiq wuxuu ka walaacsan yahay tallaabada ay qaadeen Guddiga Doorashada, oo si ula kac ah uga reebeen ururka liiska ururrada ka qaybgalaya doorashada Galmudug” ayaa lagu yiri warka Towfiiq.
Towfiiq ayaa sheegay inuu ahaa ururkii Maxkamadda Sare ee dalka ka dalbaday in doorashada Galmudug lagu celiyo, kaddib markii uu sheegay inuu arkay waxyaabo uu ku tilmaamay in lagu hareer maray habraacyada iyo shuruucda doorashada, balse wax layaab ah ka soo bexeen guddiga.
Wuxuu ayaa sheegay inay layaab ku noqotay in markii uu dalbaday in doorashada la saxo, uu markii dambe ogaado in magaciisa laga saaray liiska ururrada ka qaybgalaya doorashada.
Sidoo kale, Towfiiq ayaa sheegay in Guddiga Doorashadu ay hayaan liiska musharraxiintiisa labada gole, taas oo uu ku tilmaamay caddeyn muujinaysa inuu diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada.
“Guddigu wuxuu hayaa liiska musharraxiinta Ururka Towfiiq ee labada gole, taasina waxay caddeyn u tahay in Ururku diyaar u yahay ka qaybgalka doorashada” ayaa la sii raaciyey.
Ururku wuxuu Guddiga Doorashada ugu baaqay inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo loo fasiran karo wuxuu ku tilmaamay “eex ama takoor”, isagoo dalbaday in doorashada lagu maamulo dhexdhexaadnimo, caddaalad iyo ku dhaqanka sharciga.
Towfiiq ayaa dhacdada arrintan u tiirayey inay xiriir la leedahay sida uu ku dooday dacwaddii uu ururku ka gudbiyey natiijadii doorashada.
“Ururku wuxuu aaminsan yahay in tallaabada Guddiga Doorashada ay qaadeen ay la xiriirto dacwaddii Ururku ka gudbiyey natiijadii doorashada. Arrintaasna Ururku wuxuu u arkaa mid aan waafaqsanayn mabaadi’da caddaaladda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah.
Dhanka kale, Towfiiq ayaa dalbaday in si degdeg ah arrintan u soo faragaliyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana uu xaqiijiyo in dhinacyada doorashadu u hoggaansamaan sharciga.
“Ururka Towfiiq wuxuu si gaar ah ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ah ilaaliyaha Dastuurka iyo dowladnimada dalka, inuu si degdeg ah u soo farageliyo arrintan, isla markaana uu xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu u hoggaansamaan sharciga iyo amarka maxkamada sare” ayaa markale lagu yiri warka Towfiiq.
Ugu dambeyn, Ururka Towfiiq ayaa sheegay inuu doonayo doorasho hufan, caddaalad ah oo loo siman yahay, wuxuuna taageerayaashiisa iyo bulshada Galmudug ugu baaqay inay isu diyaariyaan kulamo iyo bannaanbaxyo nabadeed oo ay ku muujinayaan sida uu ku andacooday aragtidooda ku aaddan doorashada.
HBN ONLINE TV

