“Wax Hirshabeelle la yiraa oo jiraa ma jiraan, haddii aan laga heshiin……” Yuusuf Dabageed

 

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), oo BBC-da wareysi siiyay, ayaa si cad uga horyimid hannaanka loo wajahayo doorashooyinka lagu wado in dhawaan laga qabto gobollada Hiiraan & Shabeellaha dhexe, isagoo sheegay in aan doorasho ka dhici karin ilaa heshiis siyaasadeed laga gaaro khilaafka jira.

Dabageed ayaa ka digay in doorasho aan heshiis lagu ahayn ay keeni karto sida uu ku dooday amni darro iyo qalalaase, isagoo yiri: “Haddii aan laga heshiin siyaasadda HirShabeelle, wax Hirshabeelle la yiraa oo jiraa ma jiraan, anaa ku dhahaa!” Wuxuu intaas ku daray in cidda doorashada gacanta ku heysa aanay wax doorasho ah qaban karin iyada oo aan la isku raacsanayn hanaanka doorashada.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay in tabashada gobolka Hiiraan ay tahay in xal laga gaaro ka hor inta aan la qaban doorashooyinka. Dabageed ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku andacooday inuu diidan yahay sida uu hadalka u dhigay xaqa uu leeyahay gobolka uu matalo, isla markaana uu hal dhinac u oggol yahay arrimaha siyaasadeed.

“HirShabeelle amni darro iyo qalalaase ayay galeysaa sababta oo ah Xasan Sheekh hal reer ayuu wax u ogol yahay,” ayuu yiri, isagoo sheegay in isaga iyo gobolka uu matalo ay qaadi doonaan tallaabo kasta oo ay u arkaan inay ku heli karaan xuquuqdooda.

Wuxuu iska foogeyey doodaha sheegaya in gacan hadal ay qaadi doonaan, balse Meesha kama uusan saarin, kadib markii uu ku anadacooday haddii dowladdu awood u adeegsan in aysan wax arrimahaasi ah u qorsheysneyn.

Xiisadda khilaaf ee maamulka Hirshabelle oo soo shaac baxday todobaadkii hore ayaa sii xoogeysatay kadib markii Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen la siiyay kaarka xisbiga JSP, taas oo ka careysiisay siyaasiyiinta maamulka ku matala gobolka Hiiraan, kuwaa oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada Muqdisho iyo Beledweyne.

Dabageed wuxuu mar kale ku adkeystay in haddii aan heshiis laga gaarin khilaafka in “wax HirShabelle la yiraah” aysan jiri doonin, isaga oo ka digay in xaaladdu saameyn ku yeelan karto doorashooyinka iyo amniga labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

HBN ONILNE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed