Dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay roobab culus iyo fatahaado laga filayo qaybo ka mid ah dalka la kulmaan xilliga Deyrta oo ku beegan seddexda bil soo socda ee sanadkan 2026-ka.
War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ayaa sheegtay in 29 degmo oo ku kala yaalla 14 gobol ay yihiin meelaha ugu nugul fatahaadaha la filayo inay ka dhashaan roobabka di’i doono bilaha soo socda ee October, November iyo December, kuwaas oo lala xiriirinayo xaaladda dabaylaha xooggan ee El Niño. Fatahaadaha ayaa isugu jiri kara kuwo laga cabsi qabo inay ka dhashaan webiyada Shabeelle iyo Jubba oo ay dheer yihiin daadad degdeg ah oo ka dhasha roobab xooggan.
Sidoo kale, SDMA waxay dadka ku nool meelaha khatarta ah ugu baaqday inay la socdaan digniinaha rasmiga ah, ogaadaan goobaha ammaan ah ee loo guuri karo, ayna sii diyaarsadaan waxyaabaha aasaasiga ah sida biyo, cunto, dawooyin iyo dukumentiyada muhiimka ah.
Goobaha digniinta sare lagu daray waxay ku kal aymid ah Doolow, Luuq, Baardheere, Bu’aale, Beledweyne, Buulo Burde, Jowhar, Muqdisho, Hargeysa, Garowe, Boosaaso, Qardho, Baydhabo, Gaalkacyo, Kismaayo, Afgooye, Buur-dhuubo, Jilib, Afmadow, Diinsoor, Qansaxdheere, Jamaame, Ceel-Barde, Sablaale, Kuntiwaarey, Marka, Baraawe, Dhuusamareeb iyo Balcad.
Maamullada gobollada iyo degmooyinka ayaa sidoo kale lagu boorriyay inay diyaariyaan goobaha daadgureynta, waddooyinka badbaadada, gaadiidka iyo agabka gurmadka degdegga ah.
HBN ONLINE TV

